Wasaarada Caafimaadka oo shaacisay tiro hor leh uu soo ritey cudurka Covid 19

Wasaarada Caafimaadka Dowlada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in laga helay cudurka Covid 19 dad gaaraya 126 qof iyadoo 6 qofna ay u dhinteen cudurka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay cudurka laga baaray 1,199 qof.waxay gaarayaan 7,518 halka dhimashadu ay tahay 249.

Gobolka Banaadir ayaa laga helay cudurka 74 ruux, Somaliland 41 ruux,Jubaland 6 ruux, Hirshabelle 4 ruux,Galmudug 1 ruux.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More