Cali Guudlaawe oo booqday suuqa magaalada Jowhar ee gubtay

Aug 28 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ka soo laabtay shirka golaha wadatashiga ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa booqday goobihii ganacsiga ee ku gubtay dab xalay ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Magaalada Jowhar.

Cali Guudlkaawe ayaa xusay in guddi soo qiimeeya inta ay la egtahay qasaaraha hantiyeed uu saari doono xaalada suuqa Magaalada Jowhar, isaga oo sidoo kale Ganacsatadii ku hanti beelay dabka alle ugu baryay in wax kheyr qaba ugu bedelo.

Warar hordhac ayaa sheegaya in dabkan ay ku gubteen inka badan lixdan goobo ganacsi gaar ahaan gudaha suuqa xaafada Hantiwadaag.

Illaa hadda lama oga sababta keentay dabka xalay saqdii dhexe ka kacay gudaha suuqa weyn ee xaafada Hantiwadaag iyadoo uu ahaa dabkii ugu weynaa ee abid suuqa Hantiwadaag soo mara.

Goobaha ganacsi ee waxyeelada soo gaartay ayaa u badnaa dhismayaal cusub oo dhawaan uu maamulka degmada iyo kan gobolka Sh/dhexe ka hirgeliyay suuqa weyn ee Hantiwadaag kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay guud ahaan suuqa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More