Wasiirka Amniga Israa’il oo shil baabuur ku dhaawacmay

April 26 (Jowhar.com)-Wasiirka amniga qaranka Israa’iil Itmar Ben-Gvir ayaa dhaawacmay kadib markii gaarigii uu saarnaa uu rogmaday.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay gaari rogmaday. waxaa sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray shilkan labo ruux oo kale oo saarneyd gaariga.

Lama sheegin sababta dhalisay shilka hase yeeshee waxa ay boolisku sheegeen inay baarayaan.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Mr Ben-Gvir uu ka soo laabtay goob lagu tooriyeeyay haweeney 19 jir ah magaalada Ramle oo u dhow Tel Aviv.

Taliyaha booliiska degmada dhexe Avi Biton ayaa sheegay in ninka haweeneyda tooreeyay uu qabay xanuun dhanka dhimirka ah isagiina uu xabad ku dhuftay qof rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Mr Ben-Gvir waa xubin hadaladiisa ay muran badan dhaliyaan waxaana uu ka tirsan yahay xukuumadda degdegga ah ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Waxa uu dhawaan ku baaqay in Israa’iil ay si buuxda uga jawaabto milatari oo ka dhan ah Iran ka dib markii Tehran ay gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay Israa’iil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More