Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub Tiina

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Tiina Intelmann, oo booqasho sharafeed ugu timid, iyaga oo ka wada hadlay danaha dheef-wadaagga ah ee labada dhinac.

Kunkanka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Midowga Yurub ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinka iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan yihiin dowlada federaalka Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday Midowga Yurub in ay halkooda kasii wadaan taageerada ee siiyaan Soomaaliya.

.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More