Wasiirka arrimaha dibadda Finland oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Apr. 07 (Jowhar.com)-Wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Finland Pekka Haavisto ayaa soo gaaray magaalada Muqdishu, iyadoo uu Garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimsha dibadda Soomaaliya.

Kulan kooban oo ay labada Wasiir ku yeesheen Garoonka ayaa waxay isku weydaarsadeen arrimaha cilaaqaadka iyo danaha taagan ee labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa Wasiirka Finland uga warbixiyay halka ay marayaan dadaaladda xasilinta iyo howlgalada ka dhanka ah Atgagaxisada, Xaaladaha dhinaca Beni’aadannimada, Abaaraha taagan iyo dadaalada dhinaca horumarka ee DFS ay ka wado guud ahaan dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More