Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Azerbaijan

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo talaado ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Azerbaijan Mudane Jeyhun Bayramov, iyaga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda ku lafo-guray sidii ay labada Dowladood u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada, iyaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta cilaaqaad ku qotoma danaha qaran ee labada Shacab iyo labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More