Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda oo geeriyooday

Allaha u naxariistii waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo soo noqday Ra’iisul Wasaare Kuxigeen, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda iyo Safiir.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanaa, waxaa geeridisa ka tacsiyadeeyay Madaxda dowladda Federaalka.

Xilligii Dowladii KMG ayuu soo noqday Wasiir,  dhowr jeer waxaa uu noqday Xildhibaan Federaal ah.

Allaha u Naxariistee C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sanadihii sideetameeyadii soo noqday Safiir dalalka Ruushka iyo Giriiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More