Weerar culus oo lagu qaaday saldhigga ciidamadda Burundi ee Balcad.

Oct. 10 (Jowhar.com) -Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday madaafiic oo dagaal yahanada Shabaab ay saqdii dhexe ee xalay ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Sh.Dhexe.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarkan oo lagu qaaday saldhig ciidamada Burundi ay ku leeyihiin xaafadda Xaawa Taako, gaar ahaan aaga Warshaddii hore ee dharka Balcad uu ka dhashay khasaare.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ilaa 5 Hoobiye ay ku dhaceen xerada ciidamadda ATMIS, iyagoo dhankooda ku jawaabay madaafiic kale, waxaana baqdin ay soo wajahday dadka deegaanka.

Si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, waxaana saaka degan xaaladda magaalada Balcad, halkaasoo ay ka socdaan howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii weerarka geystay.

Degmada Balcad ayaa waxaa saldhig ka sameystay saraakiil ka tirsan ciidamadda NISA iyo Milatariga, waxayna halkaasi ka wadaan howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda deegaanka Basra, waxaana ujeedka howlgalkaasi yahay sidii loo burburin lahaa maxkanadaha iyo goobaha canshuuraha Shabaab ay ku qaadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More