Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Cadale

Oct. 10 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmo Xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Degmada Cadale Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Cali Guudlaawe Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in socdaalkaan uu ku yimid degmada cadale uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, isagoo sheegay in safarkiisa uu ku qotomo dardargalinta howlgalada lagu xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa saraakiisha iyo bulshada degmooyinka Gobolka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howgalada lagu ciribtirayo argagixisada cadowga ah ee u taagan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

Tegitaanka Madaxweynaha Hirshabelle ee magaalada Cadale ayaa ku soo beegmeysa saacado kadib markii ay xalay gaareen ciidamo badan oo ka tegey magaalada Muqdisho.

By Abdiaziz Golfyare

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More