Weerar madaafiic ah oo lagu weeraray guri uu Muqdisho ka dagan yahay xildhibaan ka tirsan BFS iyo khasaaraha ka dhashay

Oct 09 (Jowhar.com)- Faah faahino dheerada ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar madaafiic ah oo saaka lagu garaacay guri uu ka dagan yahay degmada Dharkiinleey xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxamed Keerow kana soo jeeda Koofur Glabeed ayaa waxa uu sheegay in saaka gurigiisa oo ku yaala xaafada Dabaqeynka uu ku dhacay hoobiye, waxaana ka dhashay khasaare culus.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innnoo sheegay in goobta uu ku geeriyooday wiil uu dhalay Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirauy Maxamuud Maxamed Keerow, ayada oo uu dhaawac soo gaaray wiil kale oo uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Maxamed Warsame.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro kahsaare kale oo ka dhashay hoobiye ku dhcay guri ku dhegan midka uu daganaa xildhibaanka, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin xadiga khasaarahaasi.

Xaalada ayaa ah mid kacsan, waxaana gurmad deg deg ah u fidiyay qoyska dhibta ay gaartay qaar kamid ah dadk aderiska la ah, iyadoo aan la ogeyn halka laga soo tuuray hoobiyayaasha iyo abrtilmaameedka inuu aha aguriga xildhibaanka iyo inkale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More