Wiil uu dhalay Madaxweyne Xasan oo ka soo muuqday furimaha dagaalka

Sep 06 (Jowhar.com)-Baraha bulshada waxaa qabsaday sawirrada wiil uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka, isago aaabihii ku wehlinayo kormeerka furimaha ciidanka iyo deegaanada lagala wareegay kooxda Al-Shabaab.

 

Wiilkan oo lagu magacaabo C/fataax Xasan Sheekh ayaa waxaa la arkayay isagoo aabihii ka furaya Albaabka gaari Cabdi Bile ah oo uu madaxweynuhu raacay markii uu maanta ka dagay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh.dhexe.

Arrintan waxay jawaab u tahay dhaliilo horay baraha bulshada loogu marinayay ee ahaa in Madaxweynaha gabadhiisa safarada ku wehliso oo ay Xogheyn u tahay.

Sidoo kale waxay direysaa farriin kale oo ahaa haddii Madaxda Soomaalida carruurtooda dibadaha geysan jireen si ay nolol raaxo leh ugu noolaadaan, haatan waxaa Madaxweynuhu soo xiray albaabkaas in wiilkiisa uu kula wehliyo xeryaha ciidanka iyo kormeerka furimaha dagaalka

Waxey sidoo kale muujineysaa inuu dalka xaalad dagaal oo rasmi ah ku jiro protocolskii securityga iyo walwalka uu meesha ka baxay isaguna uu shalay caddeeyay.

Aagagga iyo fariisamaha ciidamada ayuu isaga kala gudbayaa madaxweynaha, Gaadiidkiisuna waa Helicopter iyo tikniko ciidan, isagoo Baabuurtii raaxada iyo kuwii madaxda u gaarka ahayd isaga tegay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More