Rw Xamxe oo kulan gaar ah la qaatay taliyaha ciidamada dowladda Qatar

Sep 06 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar, Salem bin Hamad Al Nabit, oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca amniga iyo dagaalka Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guullo waaweyn ka gaartay dagaalka ay ku ciribtireyso Khawaariijta, isagoo uga mahadceliyay dowladda Qatar doorka joogtada ee ay ka qaadato dib u dhiska ciidamadeena.

Taliyaha ayaa dhankiisa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaalka Khawaariijta isaga oo ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada iyo wadashaqeynta ay leeyihiin hey’adaha amniga Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More