Xamze oo amray in wax laga bedelo hanaanka loo sugo amniga Muqdisho

Feb. 13 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Hamze Abdi Barre ayaa amray in si deg deg ah wax looga beddelo qaabkii hore ee amniga caasimadda loo sugi jiray.

Kadib kulan uu shir guddoomiyey oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiinta Gobolka Banaadir, Wasiirro iyo Taliyeyaasha laamaha amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhagaystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga warbixinno ku saabsan xaaladda amni iyo bulsho ee gobolka, isagoo ku adkeeyey in ay badiyaan feejignaantooda amni maadaama dalku uu ku jiro xaalad dagaal oo lagu dabar-goynayo kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in la kordhiyey isla xisaabtanka ku aaddan falalka amni, degmo kastana looga baahan yahay in ay xoojiso wadashaqeynta maamulka, ciidanka iyo shacabka, si looga hortago falalka gurracan ee ay soo maleegayaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir in degdeg wax looga qabto cid kasta oo waxyeelanaysa amniga caasimadda, korna loo qaado fayo dhowrka iyo bilicda, isagoo tilmaamay in askarigii tacaddi u geysta shacabka si adag loo maxkamadeynayo.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ku-xigeenadiisa, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Booliska Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Nabadsugidda iyo Booliska Gobolka iyo Taliyeyaasha heer degmo ee Gobolka Banaadir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More