Xoghayaha SJS Cabdalla Muumin oo laba bil oo xabsi ah lagu xukumay

Feb. 13 (Jowhar.com-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta laba bilood xabsi ah ku xukuntey xoghayaha ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS, Cabdalla Axmed Muumin.

Sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud Dabaan Go’aankan ayaa loo cuksadey hal qodob oo kamid ah saddexda eedo ee loo jeediyay iyadda oo labada kale lagu waayey.

Kiiska wariye Muumin ayaa heerar kala duwan soo maray, waxaana gublnta dacwadiisa ay tahay diidmada amar ka soo baxay dowladda oo ahaa inaan wariyayaasha tabinin wararka kooxda Al-Shabaab, maadaama dowladda ay ku dhawaaqday dagaal saddex waji leh.

Si kastaba, Qareenada saxafiga iyo xeer-ilaalinta ayaa rafcaan qaatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More