Xasan Sheekh oo ka codsaday Midowga Yurub in deeqaha binu-aadantinimo loo beddelo mashaariic horumarineed

Oct 26 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.

Ayaa Khudbad oo ka jeediyay kaga hadlay hindisaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka degdegga ah ee Midowga Yurub in loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi.

โ€œTan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab.

Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinnay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib anagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.โ€

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More