Xasan Sheekh;”Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa la xirxirey sharciga ayaana la horgeyn doonaa.”

Sep 05 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la xiray saraakiil lagu eedaynayo inay ciidanka kasoo saareen furimaha dagaalka ayna wajihi doonaan sharciga ciidamada qalabka sida.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warkan ka sheegay qudbad uu u jeediyay qaar ka mid ah ciidamada xoogga dalka oo ku sugan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la xirey saraakiil ka soo baneysay furumaha dagaalka sharcigana la horgeyn doono.

“La isku darsanmaayo, dadka goobaha cadawga aan soo bannaynin la mid ma noqon doono kii iyadoo oo cadawga la hortaagan yahay soo baxay ee qorigiisa garabka saartay ee Xamar tagay ama qoriga dhexda ku gatay,” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Maanta aan idinla hadlayo iyo salay saraakiil ayaa la xirxirey,sharciga ayaana la horgeyn doonaa dambi ay geysteen ayaa loo xirey,maxkamada milatariga waxa ay ka qabtaana la horgeyn doonaa kaan aan dambi lahayn waa la soo deyn doonaa.”ayuu sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu maalmaha soo socda booqan doono goobo kale oo ka mid ah furimaha dagaalka.Waxa uu Madaxweynuhu ku amaanay ciidamada xoogga dalka sida ay uga shaqeeyeen in laga hortago amniga.

“Inta dagaalka nooga dhimato waxaa ka badan inta cuduro ay ugu dhintaan guryahooda marka sax ma aha in cabsi ay gasho qofka bani’aadanka ah.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in maalin walba fariimo digniin ah loo soo diro kuwaasoo ay kamid tahay in la qarxinayo,la sumeynayo amaba la soo ridayo diyaarada helicopterka ee uu ugu safro gudaha dalka,balse isagu uusa taas ka cabsan balse dhimanayo waqtigii Alle u qoray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More