Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo u yeeray Wasiirka Batroolka iyo Macdanta

April 21 (Jowhar.com) -Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed isagoo ku amray inuu xafiiska yimaado maalinta Isniinta ah oo ay bishu tahay 25/04/2022.

Ujeedada u yeeritaanka ayaa lagu sheegay inay tahay heshiiska uu saxiixay wasiirka ee dhex maray, Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee DFS iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa 19-kii Bishii Febaraayo wuxuu sheegay in heshiis Shidaal ee uu la ogaa Farmaajo la galay Shirkadda Coastline balse Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa durba diiday heshiiskaas kuna tilmaamay sharci darro.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka lagu amray wasiirka batroolka iyo isgaarsiinta;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More