Xiisad cusub oo ka dhex qaraxday dalalka Algeria iyo Maroco

Sep 04 (Jowhar.com)-Inta aanan u dhaadhicin xiisaddan cusub, waxaa xusid mudan in dalalka Algeria iyo Morocco oo ah laba waddan oo carbeed oo dhaca Waqooyiga Africa, ay safaaradaha kala rarteen sannadki 2021-ki.

Waxaa intaasi dheer, in xuduuddaha labadan waddan ee deriska ah ay xirnaayeen tan iyo sannadki 1994-ki. Sababta ayaa ah in xiriirka labada waddan uu tan iyo xorriyadahoodii ahaa mid aad u dabacsanaa.

Sababta ugu weyn ayaa ah in Algeria ay taageertay jabhadda hubeysan ee Polisario ee u dagaallanta madax-bannaanida dhulka Saxaraha Galbeed ee Morocco.

Saxaraha Galbeed oo u dhigma kalabar dhul-weynaha Morocco, ayaa astaan u ah boqortooyada Morocco. Dowladda ayaa dhiig ka xigta sii deynta dhulkaasi.

MAXAY SALKA KU HEYSAA XIISADA CUSUB

Ciidanka badda ee Algeria ayaa lagu eedeeyay in Talaadadi aanu kasoo gudubnay ay rasaas ku fureen, shan nin oo u dhashay Morocco, kuwaas oo doonyaha dheereeya ee raaxada si qaldan ugu dusay xeebaha Algeria.

Raggaan ayaa ka baxay magaalo xeebeedka Seydiya ee dalka Morocco oo ah magaalo dhacda xad badeedka labada waddan.

Maxamed Kissi, oo ka badbaaday shilkaas ayaa warbaahinta le360 ee dalka Morocco u sheegay, in ay ka war heleen rasaas ay kusoo rideen ciidanka badda Algeria iyaga oo aanan bixin wax digniin ah.

Kissi, ayaa sheegay in rasaasta ay markiiba ku dhinteen walaalkiis Bilal oo 29 jir ahaa iyo Abdelcaali Mashyur oo 40 jir ahaa, halka Ismaacil Sanabi uu gacanta u galay ciidanka badda Algeria.

MAXAY LABADA MAAMUL KU JAWAABEEN

War Axaddi shalay kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Algeria ayaa lagu sheegay, in ciidanka badda ay rasaas digniin ah ku rideen dhalinyaradaasi reer Morocco, ka hor inta aanan si toos ah rasaasta loogu furin doonyaha soo galay biyaha Algeria.

Mas’uuliyiinta Morocco ayaa sheegay in aysan ka hadli karin kiiskan, iyaga oo ku tilmaamay arrin garsoor. Dacwad oogaha Morocco ayaa sheegay in ay baarayaan “dhacdada gacan ka hadalka ah”.

Maxamed iyo Bilaal Kissi, oo ay weheliyaan Ismacil Isnabi oo loo malaynayo in la xiray, ayaa isku heystay dhalashada Morocco iyo Faransiiska.

Golaha Xuquuqul Insaanka Qaranka Morocco ayaa cambaareeyay dilka, waxayna ku baaqeem in la sii daayo Snabi oo ay sheegeen in si deg deg ah markiiba ay maxkamad ku xakuntay 18 bilood oo xabsi ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa sheegtay, in ay ka war heshay dhimashada mid ka mid ah muwaadiniinteeda iyo in mid kale lagu hayo Aljeeriya ayna la xiriirtay qoysaska iyo mas’uuliyiinta Morocco iyo Algeria.

Meydka Bilaal Kissi ayaa waxaa helay kaluumeysato Marooko ah, waxaana lagu aasay meel u dhow magaalada Wajdah ee bariga Morocco Arbacadii, sida ay xaqiijuyeen qoyskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More