Maxkamada Gobolka Banaadir oo loo gudbisay Rag loo haysto musuqmaasuq

Sep 03 (Jowhar.com)-Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay Eedda saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Bayaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in saraakiishan loo heysto lunsasho, xatooyo xoolo dadweyne iyo been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ayna yihiin maqanayaan.

Dadkan la soo eedeeyay oo gaaraya 7 xubnood ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne dhammaantoodna gacanta kuma hayaan ciidamada Booliska.

Dhinaca kale Maxkamada gobolka Banaadir ayaa soo saartay qoraal baafin ah oo loogu yeerayo eedeysanayaashan la soo eedeeyey iney Maxkamada ku hor yimaadaan muddo 30 cisho ah si ay isaga difaacaan dembiyada lagu soo eedeeyey.
Hoos ka akhri war-Saxaafadeed xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Qoraalka lagu baafinayo raggan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More