Xiisadii Itoobiya oo dib usoo cusboonaatay iyo dagaal ka socda Dabre-birhaan

Apr. 12 (Jowhar.com)-Shacabka ku nool magaalada Dabre-birhaan ee deegaanka Amxaarada ayaa sheegay iney gudaha magaalada ku dagaallameen ciidamada dowladda dhexe iyo maleeshiyaadka Amxaarada oo magaaladaasi ku sugan.

Ciidamada Federaalka waxaa dagaal kala hor yimid ciidamada isugu jira booliska gaarka ah ee deegaanka Amxaarada iyo maleeshiyada Faano.

Shaqsiyaadka warbaahinta u warramay oo arrima amni awgeed magacooda u qariyey waxay sheegeen dagaal xooggan inuu labada dhinac magaalada ku dhex maray ugu yaraan laba qofna ay dagaalkaasi ku dhinteen.

Maleeshiyaadka ciidamada qalabka sida ee dowladda dhexe la dagaallamay ayaa ka soo horjeeda qorshaha dowladda dowladda dhexe ay shaacisay oo lagu kala dirayo booliska gaarka iyo maleeshiyaadka Fano uu deegaanka Amxaarada leeyahay.

Iska horimaadka magaalada Debre-birhan ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmihi u dambeeyey mudaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeeda qorshaha dowladda dhexe ay ciidamada deegaannada ku kala direyso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More