Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo Muqdisho ku geeriyooday

Allaha u naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble ( Casoowe) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya.

Allaha u naxriistee Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad.

Wararka ayaa waxa ay sheegayan in xildhibaanku uu u geeriyooday cudurka Covid 19 oo toddobaadyadii la so dhaafay dad badan ay ugu geeriyoodeen dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble ( Casoowe) oo ka tirsanaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya, kaasoo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, asxaabka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble “Casoowe” oo maanta ku geeriyooday magaaladda Muqdisho.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe). Marxuumka Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. إنا لله وإنا إليه راجعون” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More