Xildhibaanada Koofur Galbeed oo bilaabay iney qaataan shahaada xildhibaanimo ee FEIT

April 03 (Jowhar.com) –Xildhibaanada ka soo jeeda Koour Galbeed ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay iney qaataan shahaadada xildhibaanimo ee ay bixinayaan guddiga doorashooyinka heer federaal, taasoo dhabar jab ku ah madaxweyne Lafta’gareen.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku guuleystay kursiga HoP#189 iyo Shariif Maxamed Cabdalla oo ku soo baxay kursiga HOP#085 ayaa noqday xildhibaanadii u horeetay koofur galbeed ee qaata shahaadooyinka, xili la hadal hayay in xubnaha ka soo jeeda koofur galbeed ay ku mowqif noqon doonaan madaxweynohooda.

Arinta kale ee layaabka ah ayaa noqotay in Aadan Madoobe oo la hadlayey Wariyeyaasha yiri “Xildhibaanada walaalaheyga ah ee KGS waxaan leeyahay dib u dhac kale oo doorasho sabab ha u noqonina ee qaata shahaadadiina”.

Aadan Madoobe iyo Shariif Maxamed Candalla ayaa la rumeysan yahay iney u sharaxan yihiin xilka gudoomiyaha golaha shacabka, taasoo lavatory badinayo iney tahay mida soo ssdajisay iney kala wareegaan.

Guddiga doorashooyinka ayaa shalay bilaabay shahaado siinta xildhibaanada, shalay oo kaliya waxey shahaado siiyen 54 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal, kuwaasoo ka soo kala jeeda Galmudug,Hirshabelle,Jubaland,reer waqooyiga iyo Banaaririga, iyadoo 14-ka bishan lagu balansan yahay in la dhaariyo mudanayaasha dooran.

Lama oga talaabbada ay qaadi doonaan Lafta-Gareen,Farmaajo iyo Fahad oo dadaal ku bixinayay iney carqaladeeyaan habsami u socodka shahaado siinta xildhiaanada, maadaama liiska FIET ee xubnaha ay xildhibaan u aqoonsan yihiin ay ka reebeen taliyihii hore er NISA Fahad Yaasiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More