XOG: Safarka Wasiirka Batroolka iyo Madaxa Shirkadda Coastaline ku joogaan Mareykanka

Kadib fashilkii bishii Janaayo ee sanadkan ee ka dhacay saxiixa heshiiska lagu siinayay xirmooyin shidaal sharikadaha Coastal ( Somaoil and Gas) iyo Liberty, ayaa waxaa soo ifbaxaya in Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed uu u amababaxay dalka Maraykanka, si uu u sii wado kulamadiisa la xiriiro arrimaha shidaalka iyo xaraashka xirmooyinka shidaalka.

Socdaalka Wasiirka waxaa ku wehliya Cabdullaahi Shiikheey oo ah wakiilka Shirkadda Coastaline Ex SOMAOIL ee Soomaaliya.

Bishii hore ayaa loollan ku salaysan awoodda xaraashka shidaalka waxuu dhexmaray Wasiirka Batroolka iyo Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (SPA), waxaana loolankaas uu sababay in Maareeyaha Hey’addaas Ibraahim Xuseen in xilka laga qaado, lagana saaro xubinnimada hay’adda.

Waxaa toddobaadyadan socotay dood ku saabsan awoodda dowladda ee xilliga kala guurka, iyadoo sharci darro lagu tilmaamay dhammaan heshiisyada, guddiyada Qaran iyo sharciyada ay soo saareen golaha Wasiirada ee uu soo meel mariyay Golaha shacabka intii ay jirtay Xukuumaddii xil gaarsiinta iyo kuwa uu saxiixay Madaxweynaha xilligiisa dhamaaday 8 Febraayo 2021.

Toddobaadyo ka hor Guddiga kheyraadka ee Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Batroolka waxaa wax laga weydiiyay arrimaha shidaalka iyo heshiiskii fashilmay ee shirkadaha shidaalka ee Liberty iyo Coasline, waxaana Wasiirka Agaasimaha Coastline C/llaahi Shiikheey uu sheegay in aanu shaqaale ka hayn wasaaradda, lataliyena aanu u ahayn wasiirka laakiin ay qaraabo yihiin.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo aad ugu mashquulsan xallinta khilaafaadka doorashooyinka, iskuna dayayo inuu isu soo dhaweeyo dhinacyada is haya, ayay muuqataa in aanu war badan ka hayn dhaqdhaqaaqa wasiiradiisa, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay fiiladooda toos ugu xiran tahay Madaxweyna Farmaajo iyo Taliyahiisa Nabadsugidda Fahad Yaasiin.

Heshiiskii fashilmay ee la qorsheynayay in lagu saxiixo Muqdisho bishii Janaayo 2021 ayaa wax badan daboolka ka qaaday, iyadoo arrinaas degdeg u soo farageliyeen Bangiga Adduunka iyo IMF, kuna tilmaameen heshiiskaas inuu baalmarsan yahay nidaamka deyn cafinta, taasoo haddii la saxiixi lahaa ay dhaawac u geysan laheyd horumarka laga sameeyay hannaanka deyn cafinta ee soo socday sanadihii la soo dhaafay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More