Xoghayaha guud ee Q.Midoobe oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Apr. 11 (Jowhar.com)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa goordhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya Huruuse.

Waxa uu goordhow la kulmi doonaa madaxda sare ee dalka sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo gudoonka baarlamaanka.

Imaatinkiisa ayaa saaka loo xiray wadooyinka ugu muhiimsan caasimadda, iyadoo shacabka ay cagahooda maalayeen.

Sida xogaha ay sheegayaan, Gutters oo laba cisho joogi doono dalka ayaa usii gudbi doona magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More