Xubnaha soo xulaya ergada kuraasta #HOP040 #HOP138 #HOP007 oo la shaaciyay

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa shaaciyay nabadoonada iyo qeybaha kala duwan bulshada ee soo xulaya ergooyinka doorashada kuraasta #HOP040 #HOP138 #HOP007.

Kuraastan ayaa musharaxiinta dooneysa inay ku tartamaan waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Kulane Jiis oo ka mid ah taageerayaasha Farmaajo.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay in doorashada saddexdan kursi ay dhacayso 14ka bishan Febraayo 2022.

Halkan hoose ka aqriso magacyada soo xulaysa kuraastan;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More