Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xussen ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qaabiley safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

Kulanka ayaa intii uu socday waxeey uga wada hadleen Arrimaha Dib u Heshiisiinta, hirgelinta iyo fulinta mashaariic horumarineed oo muhiim ah, iyo dhameystirka goleyaasha deegaanka Degmooyinka Hirshabelle.

Wakiilka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya ayaa ugaga mahadceliyay Madaxweynaha Hirshabelle dadaalada uu ku doonayo sidii loo horumarin lahaa deegaanada hoos taga dowlad goboleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu Muqdisho ka waday kulamo uu la yeelanayo wakiilada beesha caalamka si ay uga qeybqaataan horumarinta dowlad goboleedka Hirshabelle.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More