Musharax Dhuxulow “Madaxweynaha iyo Taliyaha NISA waxay ku dhaqmayaan siyaasad Keyrul Mas’uulnimo ah”

Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay waqtigii ugu adkeyd ee uu soo maro dalka ay tahay, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin inay ku dhaqmayaan siyaasad kheyrul mas’uulnimo.

“Madaxweynaha iyo Taliyaha NISA go’aamada ay qaateen waa inay dalkaan siyaasadiisa boobaan oo waxa loo yaqaano kufsi siyaasadeed dalka ka geystaan, taasoo aan macquul aheyn, inay maanta ku fikiraan in NISA xubno la yaqaan iyo taageerayaal ah inay ku qoraan Guddiga doorashada oo ay u soo boobaan doorashada waa wax aan macquul aheyn oo keeni karta arrimo hor leh oo dib u celin karta siyaasadda dalka”

Mar uu ka jawaabayay hadalkii shalay ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed ayuu ku tilmaamay waayo aragnimo la’aan ka heysato siyaasadda dalka, isla markaana wax gooni ah uu meeshaan ku haayo aysan jiro, Mahdi Guuleed ka mid yahay Madaxda la rabo in la xorreeyo oo la tusiyo jidka saxda ah.

Hase yeeshee dowlada federalka ayaa ku adkeysanaysa in xubnaha guddiga doorashooyinka aysan ka mid ahayn ciidamo nabadsugid ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo wareysi siiyay taleefishinka Shabelle ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamo ka mid yihiin guddiga waxana uu sheegay in guddiga uu isagu soo xulay ayna yihiin kuwo dhexdhexaad ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More