Beesha Caalamka oo soo dhoweysay doorashadii ka dhacday Dowlad Goboleedka Hirshabelle

Dalalka daneeya arrimaha Soomaliya iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa waxa ay soo dhoweysay doorashadii ka dhacday Hirshabelle.

Qoraal ka soo baxay beesha Caalamka ayaa waxa ay ugaga hadleen doorashada Hirshabelle.

Qoraalka beesha caalamka ayaa waxa uu u qornaa sidan hoos ku qoran;
Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya waxay si dhow ula socdeen dhisiddii golaha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedka iyo u diyaargarowga socda ee loogu jiro doorashooyinka federaalka Soomaaliya.

Waxaan ku hanweynahay inaan Madaxweynaha Hirshabelle ee dhowaan la doortay Cali Guudlaawe kala shaqeyno horumarinta dib u heshiisiinta, isu keenidda dhammaan beelaha iyo bulshada reer Hirshabelle, la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata iyo wax ka qabashada arrimaha dowlad-dhisidda iyo dhaqan-dhaqaale ee hortabinta u leh Hirshabelle.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More