17 ruux oo rayid ah oo lagu diley duqeyn cirka ah oo ka dhacday magaalada Khartoum

June. 17 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in ugu yaraan 17 ruux oo shan kamid ah ay carruur yihiin ay ku dhinteen duqeyn cirka ah oo ka dhacda magaalada Khartoum.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay ku burbureen 25 guri oo ka mid ah degmada Yarmuuk oo ay dadku ku badan yihiin.
Koox maxali ah oo isku magacawday Qolka Gurmadka oo gacan ka geysta abaabulka gargaarka bini’aadantinimo ee aaggaas, ayaa sheegtay in ugu yaraan 11 qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

Waxa ay soo bandhigeen sawiro ay ku sheegeen in ay ahaayeen guryihii ku burburay weerarka iyo dad baarayay burburka.

War qoraal ah oo kasoo baxay RSF ayaa lagu sheegay in diyaarad militariga ay duqeysay deegaanka, ayna ku dhaawacmeen dad rayid ah. Waxa ay sidoo kale uu ururka RSF sheegtay in ay soo rideen diyaarad dagaal oo Milatari ah, balse taasi si madax banaan looma xaqiijin.

Waxay duqeyntan timid maalin ka dib markii Jeneraal sare oo ka tirsan ciidanka taabacsan dowlada Sudan uu ku hanjabay in ay kordhin doonaan weerarada ka dhanka ah Xoogaga Taageerada degdega ah.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF ayaa bilaawday bartamihii bishii April kaas oo ka dhashay loolan xooggan oo dhanka awoodda ah oo ka dhex aloosmay hoggaanka militariga dalkaas.

Horraantii bishii Juun, RSF waxa ay si buuxda u sheegtay in ay gacanta ku hayso Yarmuuk, oo ah aag caasimadda ka tirsan oo ay ku yaallaan warshad hubka farsameysa.

Ma jiro tirokoob sax ah ee tirada dadka ku dhintey dagaalka balse waxaa la rumeysan yahay inay ka badan yihiin kun ruux oo ay ku jiraan dad badan oo rayid ah oo ay ku qabsatay rasaasta.

Ku dhawaad ​​2.2 milyan qof ayaa ku barakacay gudaha dalka in ka badan nus milyan ayaa gabaad ka dhiganaya dalalka deriska ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

25 milyan oo qof oo ah in ka badan kala bar dadka u dhashay dalka Sudan ayaa u baahan gargaar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday shir caalami ah ka dhacaya magaalada Geneva kaasi oo dhaqaale loogu yaboohayo shacabka Sudan maalinta Isniinta ah ee soo socota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More