Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka oo dhowr jeer hore dib u dhac ugu yimid.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen),

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si degdeg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Shirka xalay ay yeesheen Golaha Wadatashiga ayaa yimid waxyar kadib markii guddiga doorashooyinka heer federal ay soo saareen jadwal kama dambeyn ah ee doorashada golaha shacabka.

Guddiga ayaa shaaciyay in doorashada ay bilaaban doonto bartamaha bisha ayna dhammaan doonto dhamaadka bisha soo socota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More