Ciidamada Puntland howlgalo ka sameeyay deegaano ka tirsan Af Urur

Wararka ka imanaya Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay howlgalo ka sameeyeen buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin dagaalamayaasha Alshabaab.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada difaaca Puntland ay hawlgal qorshaysan qaadeen xilli dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay isku urursanayay buuraha ku dhow Af Urur si ay soo weeraraan tuulada Af-Urur.

Rasaas xooggan ayaa la isku weydaarsaday goobta ay weerareen ciidamada Puntland hase yeeshee lama oga qasaaraha ka dhashay iska horimaadka.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada Puntland oo la xiriira iskahorimaadka ka dhacay AF Urur.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More