Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheikh Axmed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynihii hore uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, ayaa isla gartay sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagebeeyo ka hor dhammaadka sanadka.

Isagoo ka duulaya mudnaanta ay leedahay dedejinta howlaha doorashooyinka ayuu Ra’iisul Wassare Rooble xalay habka fogaan aragga kula yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo uu ku boorriyay in ay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku soo gebagebeeyaan inta aysan dhammaan bishan December.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More