Odayaasha Dhaqanka Beesha Mudulood oo taageero u muujiyay Ra’iisul Wasaare Rooble

Odayaasha Dhaqanka Beesha Mudulood ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan ay taageero ugu muujinayeen waxqabadka iyo shaqada uu hayo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana ka qeyb galay munaasabada qado sharaf ah ay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Mudulood ku taageerayeen waxqabadka muuqda uu la yimid uguna muujinayeen Garab istaaga.

Imaamka Beesha Mudulood, Ugaasyada iyo Odayaasha kale ee dhaqanka Mudulood ee munaasanada kasoo qeyb galay ayaa Ra’isul Wasaare Rooble ugu duceeyay inuu Eebbe ku garab galo, howsha doorashada dalka ee uu hormuudka u yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More