Ganacsiga magaalada Jowhar oo dib u furmay

Waxaa dib u furmay salaada Jimcaha kadib goobaha ganacsiga magaalada Jowhar oo intooda badan xirnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Labada suuq ee ku taal magaalada Jowhar ayaa xirnaa labadii maalin ee la soo dhaafay kadib markii ururka Alshabaab uu ku amray ganacsatada inay yimaadaan magaalada Aadan Yabaal oo xarun u ah ururka Alshabaab qeybtooda gobolka Sh/dhexe.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dib u furista ganacsiga ay keentay kadib markii ganacsatada waaweyn ee magaalada Jowhar ay dadaal u galeen inay ka dhaadhiciyaan ganacsatada in dib loo furo goobaha ganacsiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More