Carruurta iyo dadka da’ada ah ee ku nool Qaza oo bilaabay inay gaajo u dhintaan
May 03 (Jowhar)-Ugu yaraan 57 falastiiniyiin ah ayaa gaajo ugu dhintay Qaza iyadoo ay Israa’iil ay weli ku hayso xayiraad dhinaca cuntada, biyaha iyo gargaarka kale ee muhiimka ah.
Sidoo kale waxaa ay ciidamada Israail ay ku hayaan marka laga soo tago xayiraada inay duqeyn joogta ah ay ku hayso magaalada Qaza bishii saddexaad oo xiriir ah tan iyo markii ay burburtay heshiiskii xabad joojinta ahayd.
Xafiiska Warbaahinta Dowladda ee Qaza ayaa Sabtidii sheegay in inta badan dadka u dhintey gaajada ay ahaayeen carruur iyo weliba dad buka iyo dadka da’da ah.
Waxaana maamulka Gaza uu ku eedeeyay Israaiil in ay sii wado isticmaalka cuntada iyo gargaarka kale ee sida hubka u adeegsanayso, waxayna ku boorisay beesha caalamka inay cadaadis ku saarto Israel inay dib u furto xuduudaha oo ay u ogolaato gargaarka inuu gudbo.
Suhaib al-Hams, oo ah maamulaha cisbitaalka Kuwaiti ee Rafah, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in adeegyada caafimaad ay soo wajahday daawo la’aan ba’an in ka badan boqolkiiba 75 ee dawooyinka muhiimka ah, iyadoo maalmo kooban kadib isbitaalka ay ka dhamaan doonto daawada.
Waxa uu ka digay in inta badan adeegyada caafimaad ee deegaanka ay joogsan doonaan loona baahan yahay in dib loogu furo xuduudaha loona oggolaado gargaarka caafimaadka iyo kuwa bani’aadamnimada.
Xayiraadda sii socota ayaa ah tii ugu dheerayd ee Marinka Gaza soo wajaho, waxayna ku soo beegantay iyadoo ciidamada Israel ay sii wadaan duqeymaha ay ku hayaan dhulkaasi, oo ay ku dileen ugu yaraan 70 falastiiniyiin ah, ayna ku dhaawaceen 275 kale labadii maalmood ee u dhaxaysay Khamiista ilaa subaxnimadii Sabtida, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.