Wararkii u danbeeyay dagaalka Israel iyo Iiraan

Flags of Israel and Iran waving together

Jun 18 (Jowhar)-50 diyaaradood oo ay leedahay Israel ayaa xalay duqeeyey goobo kale duwan oo kuyaala dalka Iran, yoolka ugu balaaran ayaa ahaa burburinta xarumaha ay u arkayso Israel in ay caqabad ku yihiinn oo ay ku jiraan kabaayasha Milateriga, balse dhanka Tehran waxay sheegaysaa in ay goor hore qalabkoodii ka rarteen.

Taliska ciidanka Israel ayaa soo bandhigay muuqaalo muujinaya bartilmaameedyo ay ku jiraan gantaalaha guuxooda ka dheeraya ee IRAN oo dusha laga garaacayo, iyadoo ay u muuqato xiisadu in ay sii kordhayso, wakaalada wararka Tasnim ayaa tabinaysa in ay IRAN hadda qaadatay go’aanka xoog in loo dagaalamo oo jawaabta la adkeeyo.

Saakana lama kala nasane’e, halkii ayay kasii socotaa, xili aysan jirin wax dadaal diblumaasi ah oo xoogan, maadama saacado kahor Mareykanka si cad u sheegeen inay baajiyeen saraakiil kasocda Washignton oo howshan loo xilsaari lahaa, lagana maarmay.

Trump & Netanyahu ayaa aroornimadii hore ee saaka telfoon ku wada hadlay, markii uu Trump kasoo baxay qolka xaaladda deg deg ah ee Aqalka Cad, waxaana muuqata in Washignton ay go`aan gaartay laakiin warbaahintu mahelin nuxurka wada hadalka 2da dhinac & wuxuu Talo ku gooyay Trump.

8 saac ee lasoo dhaafay Tehran waxay gantaalo raxan ah kuriday dhulka Isreal, taas oo na siinaysa sawirka ah in gantaaladu ay kuwada dhaceen goobo kale duwan, inkasta oo ay Talaviv sheeganayso bilaa khasaare haddana muuqaalada ayaa taas diidaya oo Video iyo sawirada la helay ayaa muujinaya lidkeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More