Soomaaliya oo dowladda Qatar kala hadashay taageerada dagaalka ka dhanka ah Shabaab
Jun 16 (Jowhar)-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta kulan rasmi ah kula qaatay magaalada Doha ee dalka Qatar, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gaashaandhigga Dawladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Aal Thaani.
Labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka difaaca iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidan ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal, waxaana kulanka lagu adkeeyay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyo sida ay uga go’an tahay labada dhinac horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dadaallada loogu jiro nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya.
kulanka ujeedadiisa waxaa ka mid ah soo celinta askarta Soomaaliyeed ee tababarka ku qaadatay dalka Qadar.