Abaalmarinta Nobel Peace Prize oo ay ku guuleysteen ururo iyo shaqsi u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada

Oct. 08(Jowhar.com) -Nin u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada wadanka Belarus oo xiran iyo laba kooxood oo ka kala socda Ukraine iyo Ruushka ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel kadib markii loo aqoonsaday inay si weyn ugu ololeeyeen xuquuqda aadanaha iyo dimuqraadiyadda.

Bialiatsky ayaa abaalmarintan ku guuleystey isagoo xabsiga la dhigay iyadoo ay socdaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo Alexander Lukashenko ee Belarus.

Ururka CCL ee Ukraine waxay si weyn ugaga soo horjeesatay cadaadis siyaasadeed iyo dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada ee meelaha dalka ka mid ah ee uu Ruushku qabsaday.
Sidoo kale waxaa ka mid ah ururada la guddoonsiiyay abaalmarintan Memorial oo ka dhisan dalka Ruushk.

Madaxa guddiga Nobel-ka Norway Berit Reiss-Andersen ayaa u sheegtay warfidiyeenka in saddexdooduba ay sameeyeen “dadaal aad u wanaagsan oo lagu diiwaan gelinayo dambiyada dagaalka, xad-gudubyada xuquuqda aadanaha iyo ku-takri-falka awoodda”.

Ales Bialiatsky, oo 60 jir ah, ayaa aasaasay kooxda u dooda xuquuqda Belarus ee Viasna, oo macnaheedu yahay guga, sannadkii 1996-kii, laba sano ka dib markii Mr Lukashenko uu xukunka qabtay. Waxa markii ugu horreysay xabsiga la dhigay sannadkii 2011-kii, kaddib sannadkii hore, ayaa haddana la xiray isagoo aan wax dambi ah lagu soo oogin. Waxa uu ka mid yahay 1,348 qof oo ay Viasna sheegtay in hadda lagu hayo maxaabiis siyaasadeed gudaha Belarus.

Memorial waa mid ka mid ah kooxaha xuquuqda aadanaha ugu da’da weyn ee Russia. Waxaa hore u hogaaminayay nin kale oo ku guulaystay abaalmarinta Nabadda, Andrei Sakharov, dabayaaqadii 1980-aadkii, shaqadeeda ayaa daaha ka qaaday baaxadda dhabta ah ee cadaadiskii Joseph Stalin ee qaabkii xerooyinka Gulag ee shaqada qasabka ah, halkaas oo tobanaan milyan oo qof loo malaynayo in ay ku dhinteen.

Kooxda xuquuqul insaanka ee Ruushka Memorial ayaa diiwaangelisay xadgudubyo dhanka xuquuqda ah laga soo bilaabo waagii Stalin ilaa maantadan la joogo Ruushka
Xarunta Xorriyadda Madaniga ah ee Ukraine ayaa bilihii lasoo dhaafay u weecday tacadiyada ay geystaan ​​ciidamada Ruushka, kadib markii ay sanadadii lasoo dhaafay ku qaadatay diiwaan gelinta tacadiyo siyaasadeed oo ka dhacay gobolka Crimea ee Ruushka uu la wareegay iyo dambiyo ka dhacay deegaano ka tirsan bariga Ukraine oo ay maamulaan kooxaha gooni u goosadka ah ee uu Ruushka taageero.

Madaxa xarunta, Oleksandra Matviychuk, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay abaalmarinta la wadaagayaan “saaxiibadayada iyo la-hawlgalayaashayada Memorial iyo Viasna”.

Si boqolaalka kun ee dhibanayaasha dambiyada dagaalka loogu helo caddaalad, waa in la abuuro maxkamad caalami ah si ” cadaalada loo horgeeyo Putin, Lukashenko iyo dambiilayaasha kale ee dagaalka”.ayay tiri Matviychuk.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More