Abaanduule ciidan oo ka goostay Somaliland, kuna biiray dhinaca SSC

Jun. 04 (Jowhar.com)-Abaandulihii ciidamada Somaliland, Saleebaan Barre Geesood ayaa ku biiray ciidamada SSC-Khaatumo ee dagaalka kala soo horjeeda Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan SSC iyo shacab badan ayaa sarkaalkan kusoo dhaweyaay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Geesood ayaa kamid ahaa saraakiisha kasoo jeeda SSC ee wali kusii harsanaa Somaliland tan iyo intii uu bilawday dagaalka gobalka Sool.

Waxa uu ku biirayaa tiro saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo deegana ah balse ka tiraaneyd Somaliland oo mudooyinkii lasoo dhaafay u goostay dhinaca SSC, iyagoo ka gadooday gumaadka lagu hayo wali shacabkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More