Abiy Axmed oo gaaray furumaha dagaalka ka socda Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u ambabaxay furumaha dagaalka si uu u hogaamiyo dagaalka ciidamada dowlada ay kula jiraan ururka TPLF.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Demeke Mekonnen Hassen ayaa la wareegi doona shaqada caadiga ah ee dowladda marka uu maqan yahay Abiy, sida ay sheegtay warbaahinta Fana.

Afhayeenka xukuumadda Legesse Tulu ayaa shir jaraa’id ku faah faahiyay xil wareejinta qaar ka mid ah shaqooyinka caadiga ah, warbixinta Fana ayaa lagu yiri.

Abiy ayaa goor dambe oo isniin ah ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu si shaqsi ah u hago dagaalka ka dhanka ah ciidamada Tigrayga iyo xulafadooda.

“Aan ku kulano dagaalka,” ayuu qoray “waqtigii waxaa la gaaray waqtigii aan dalka ku hogaamin lahayn naf hurnimo.”

Bishii hore ayay ciidamada Tigreega iyo xulafadooda ku hanjabeen inay socod ku mari doonaan caasimadda Addis Ababa, Waxa kale oo ay si ba’an ugu dagaalameen sidii ay isugu dayi lahaayeen in ay gooyaan marinka gaadiidka ee isku xidhaya Itoobiya oo aan bad lahayn iyo dekedda ugu weyn gobolka ee Jabuuti.

Talaadadii, ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Jeffrey Feltman ayaa sheegay in milatariga Itoobiya iyo maleeshiyaadka gobolka ay u suurtagashay in ay hakiyaan isku daygii Tigrayga ee ahaa in la gooyo marinka laakiin ciidamada Tigreega ay u suurtagashay in ay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed ee Addis.

Tobanaan kun oo qof ayaa lagu qiyaasaa in la dilay boqolaal kun oo kalena lagu riixay xaalad macaluul ah tan iyo bishii November ee sannadkii hore markaasoo ra’iisul wasaaruhu amar ku bixiyay in dagaal millatari lagu qaado kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), oo tobanaan sano ka hor Abiy ka talinaysay dawladda dhexe.

Ciidamada Tigreega ayaa sii wada in ay ku sii siqaan magaalada Addis Ababa, iyaga oo sheegay in ay gacanta ku hayaan magaalada Shewa Robit oo 220km (136 miles) waqooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Inta badan waqooyiga Itoobiya waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta waxaana la xaddiday gelitaanka saxafiyiinta, taasoo ka dhigaysa sheegashada goobaha dagaalka inay adagtahay in la xaqiijiyo.

Hadalka Abiy ayaa sare u qaaday qorista ciidamada qalabka sida ee go’doonsan.

Mid ka mid ah orodyahanada caanka ah ee masaafada – marathon-ka iyo biladda qalinka ah ee Olombikada Feyisa Lelisa – ayaa ku biiray kumannaan Itoobiyaan caadi ah oo doonaya inay raacaan hoggaanka Abiy.

Sidoo kale Haile Gebreselassie, oo ah orodyahanada caalamka ee dhinaca maaratoonka ugu caansan ayaa xaqiijiyay inuu dagaalka gelayo.

Quwadaha aduunka ayaa qeylo dhaan ka muujiyey kororka millatari ee keeni kara in la joojiyo dadaallada lagu doonayo in xabad joojinta lagu sameeyo, iyadoo fallaagada ay ku andacoonayaan inay ku sii wajahan yihiin caasimadda Addis Ababa, dowlado shisheeyena ay muwaadiniintooda u sheegaan inay isaga baxaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More