Yuusuf Geelle Ugaas oo ku guuleystey doorashada Golaha Shacabka

Yuusuf Geelle Ugaas ayaa ku guulesytey doorashada Aqalka Hoose ee ka dhacday Dhuusamareeb, 82 cod ayuu helay, halka Musharaxii la tartamayay C/qaadir Diiriye uu helay Afar cod helay, waxaa halaabay 15 cod.

Waa doorashadii labaad ee maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb oo codod tobaneeyo ah ay halaabaan, taasoo ka dhigan in Musharaxa laga guuleystay codka uu helay iyo kan hallaabay inuu ka badnaa codka hallaabay

Ugaas Dhagey ayaa ah ninka kaliya ee labo doorasho galay Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, isagoo iska casilay Kursiga Senetar uu ku fadhiyay sababo la xiriira qoondo beeleed, maadaama jufadiisa labo kursi heysatay, kursi ka mid ahna ugu tanaasulay Jufada Celi ee Duduble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More