Agaasimihii PSF oo ka soo horjeestey xil ka qaadis lagu sameeyay

Agaasimihii guud ee hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) Puntland ayaa ka soo horjeestey xilka qaadis uu maanta ku sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa Agaasimaha cusub ee PSF waxa uu u magacaabay S/Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

Qoraal ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in xilka qaadista ay tahay mid baalmarsan sharciyadda xeerka Ciidamada iyo dhaqanka suubban.

“Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”ayaa lagu yiri qoraalka.

PSF ayaa sheegay inay la socdaan cidda xiriirada gurracan la samaynaysa cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland islamarkaana ay difaaci doonaan.

Hay’adda la dagaalanka argagixisada iyo amaanka Puntland ee PSF ayaa taageero maaliyadeed iyo mid ciidanba waxaa siiya dowladda Maraykanka.

Waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan magaalada Boosaaso oo ah magaalo muhiim ah iyadoo ciidamo badan oo kuwa PSFta ay gudaha u galeen magaalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More