Afar Xildhibaan oo lagu soo doortay maanta magaalada Dhuusamareeb

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ku qabtay doorashada Afartii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla Magaalada Dhuusamareeb.

Kursiga 1aad ee HOP#012 oo doorashadiisa ka dhacday Dhuusamareeb ayaa waxaa markale ku guuleystay Yuusuf Xeyle Jimcaale oo kursigaan horay ugu fadhiyay, isaga oo helay codad gaaraya 93 Cod.

Kursiga labaad ee Hop#048 ayaa waxaa ku guuleysatay faa’iso Maxamed Jeyte oo heshay codad gaaraya 96 Cod, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Janeraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Kursiga Saddexaad ee Hop#137 oo uu horay ugu fadhiyay Saadaq Cabdi Kariin Xaaji Ibraahim ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) ,isaga oo helay codad gaaraya 92 Cod.

Kursiga Afaraad ee ugu dambeeyay doorashada kuraasta taalla Dhuusamareeb ee Hop#071 ayaa waxaa markale ku guuleystay Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda Galmudug Cabdi Saabir Shuuriye oo kursigaan horay ugu fadhiyay, waxaana uu helay 80 Cod.

Waxaa doorashada maanta ee magaaalada Dhuusamareeb ku soo beegantay maalintii ugu dambeysay waqtigii loo qabtay in lagu soo afjaro doorashooyinka Golaha Shacabka inkastoo xalay lagu daray muddo dheeraad ah gabagabada doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More