Xildhibaanada beelaha banaadiriga oo maanta la doortay

Guddiga Maamulka doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ayaa qabtay doorashada Shanta kursi ay ku leeyihiin Golaha Shacabka, waxaana kuraastan ku soo baxay xildhibaano ku cusub golaha shacabka.

Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#084 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#034.

Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Cadde ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#105.

Maxamed Nuur Abuukar ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#265 ee golaha shacabka BJFS.

Xildhibaan Cumar Shariif Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#266.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More