Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda Soomaaliya oo loo xiray Musuq

Jun. 08 (Jowhar.com)-Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa maanta xabsiga dhigay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali,sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay booliska Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in xarigiisa uu salka ku hayo amar kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku soo eedeeyay Musuq, waxaa socdo qorshe la doonayo in Maxkamadda Gobolka Banaadir lagu horgeeyo.

Waxii warar ah ee ku soo kordha arinkaan kala sooco Jowhar.com Somali news Leader.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More