Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Ganacsato Turki ah iyo Madaxda Bangiga Ziraat

June. 08 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat oo maalgashi ku sameynaya dalkeenna.

Ganacsatada Turkiga ayaa sheegay in ay dhawaan xarigga laga jari-doono Bangiga Ziraat oo ay ka hirgeliyeen Caasimadda Muqdisho, arrinkaas oo xoojinaya isku xirnaanta ganacsatada labada dal iyo kalsooni-gelinta maalgashadeyaasha dibadda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo qorsheyaasha ay dowladdu ku dhiirri-gelinayso, waxa uuna tilmaamay in dowladda iyo shacabka Turkigu ay safka hore kaga jiraan saaxiibbada iyo walaalaha ay ku kalsoon yihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Bangiga Ziraat Bankası waa bangi ay leedahay dowlada Turkiga waxaana la asaasay 1863. Wuxuu bangigan bixiyaa deyn uu siiyo ganacsatada, shirkadaha iyo sidoo kale deymaha gaarka ah sida deynta macaamiisha, deynta baabuurta iyo amaahda guryaha.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More