Agaasimaha Hey’adda Socdaalka oo tababar u furay Saraakiisha Hey’adda

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa maanta tababar uga furay magaalada Muqdisho Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda kaas oo ku saabsanaa baarista iyo hubinta baasaboorada iyo Aqoonsiyada ku lamaanan.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa tilmaamay iskaashiga ka dhaxeeya Dowladdaha Norway & Somalia, gaar ahaan Hay’adda Socdaalka Norway iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in uu yahay mid aad u adag, isla markaana ay labada dhinac wadaagaan khibradaha ay uleeyihiin arimaha Socdaalka iyo baasaboorka,Dhanka kalena Agaasimuhu waxa uu kula dardaarmay Saraakiisha nasiibka u yeeshay tababarkaan iney si wanaagsan uga faa’ideystaan fursadda ay heleen, islamarkaana ay uga faa’ideeyaan aqoonta ay halkaan ka kororsadaan Saraakiisha kale ee aan nasiibka u yeelan ee ku kala sugan xarumahooda.

Tababarkaan oo socon doona mudo 3 maalmood ah ayaa waxaa casharo ka bixin doona khubaro ka socota dowladda Norway gaar ahaan Hay’adda Socdaalka Norway (Norwegian Directorate of Immigration) waxaana ka faa’ideysan doona qaar ka mid ah Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo laga soo xulay Xarunta dhexe iyo Laamaha ay Hey’addu ku leedahay gobolada dalka. iyadoo ujeedada loo qabtay tababarkaana ay tahay kor u qaadidda xirfadda Saraakiisha HSJ ee baarista dukumeentiyada gaar ahaan Baasaboorka iyo aqoonsiyada ku lamaanan.

Ugu dambeyn, tababarka ayaa waxaa furitaan kiisa goobjoog ka ahaa Agaasimayaasha Waaxaha Jinsiyadda, Shaqaalaha iyo Lataliyaha Sare ee HSJ iyo sidoo kale madax ka kala socotay Safaaradda boqortooyada Norway ee magaalada Nayroobi, Safaaradda boqortooyada Norway ee Muqdisho, Hay’adda Socdaalka Norway iyo Xarunta aqoonsiga dowladda Norway.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More