Akhriso;Magacyada Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka ku metelaya ururka iskaashiga Islaamka

July. 23 (Jowhar.com)-Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray wareegto ay ku magacabeen xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya Midowga Baarlamaanada ururka iskaashiga Islaamka (OIC), oo ka kooban 5 xubnood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe ) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya midowga Baarlamaanada ururka iskaashiga Islaamka (OIC).

Xubnaha la magacaabay ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya midowga Baarlamaanada ururka iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa kala ah:

Xil. Maxamed Ibraahim Cali
Xil. Cabdiqaadir Sheekh Cali Aadan
Xil. Maxamed Xuseen Abuukar
Xil. Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed
Sen. Cali Maxamed Gacal

Halkan hoose ka aqriso Qoraalka ka soo baxay Guddoonka labada aqal;

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More