Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee Awdheegle

Sep 10 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.hoose ayaa sheegaya in dagaal yahano Shabaab ah oo si aad ah u hubeysan ay gelinkii danbe ee xalay weerar culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee degmada Awdheegle.

 

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana mararka qara la maqlayay qaraxyo aad u culus.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii halige ah ayaa isku qarxiyay kontrolka laga soo galo magaalada, waxaana intaasi kadib xigay dagaalka culus oo khasaare xooggan uu ku kala gaaray labada dhinac, wallow aan tirade saxda ah wali lasoo bandhigin.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney fashiliyeen damaca Shabaab oo ahaa iney si buuxda ula wareegaan degmada oo ay soo qaadeen weerar culus, waxeyna sheegeen iney hayeen xogta xubnahan Shabaabka ah.

Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan howlgallada ka wada gobollada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More