Mareykanka oo qiray in dad shacab ah lau laayay duqeyn ka dhacday deegaanka Ceel-Lahelay

Sep 10 (Jowhar.com)-War Saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in 6-dii Septemper ciidamada qaranka ee Soomaaliya ay qaadeen weerar ka dhan ah argagixisada daafaha tuulada Ceel-Lahelay.

Maraykanka ayaa sheegay in baarista horudhaca ah ay sheegayso in sedex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay weerarka, nasiib darase ay jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayida.

Ciidamada Maraykanku kuma jirin hawlgalka, mana jirin duqeyn xagga cirka ah oo ay ku caawiyeen saaxiibadooda Soomaaliya ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Laakiin waxa jirta bay yiraahdeen codsi Dawladda Soomaaliya uga yimid oo ahaa inay goobta ka qaadaan dhaawacyada dadka rayidka ah.

Maraykanka ayaa been ku sheegay warka Al-Shabaab ee ah in ciidamadooda ay laayeen dad rayid ah.

Maraykanku ma sheegin tirada dadka rayidka ah ee goobta ku dhintay ama ku dhaawacmay, balse dadka deegaanka waxay BBC-da u sheegeen in haweeyney da’ ah iyo shan caruurra oo ay ayeeyo u ahayd inay ku dhinteen weerarka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhacdadan, iyadoo warbaahinta dowladda Soomaaliya ay sheegtay in qof dumar ah iyo labo caruur ah ay ku dhinteen miino ay Alshabaab ku qariyeen guri ku yaala tuulada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More